Warsaxafadeed: M. Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Senator Cabdiraxman Faroole (SAWIRO)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada  Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada iyo Shacabkuba ay abaal uga hayaan ugana mahad celinayaan sidii uu garabka walalnimo ugu muujiyay wakhti ay u baahnayeen.

 ---DHAMMAAD---

XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA

JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM