100-jir xabsi ugu jirtay 18-sano maleegida dil oo cafis loo fidiyey

Image

ABUJA, Nigeria – Haweenay 100-sano jir ah taasoo lagu sheegay in ay ahayd "Maxbuuskii ugu da'da weyn Nigeria" ayaa lasii daayey markii ay dowladdu cafisay.

Xabsiga ayaa waxay ku qaadatay 18-sano markii lagu helay dambi ah in ay abaabuleysay fal dil ah.

Kadib marii ay xorriyadeeda heshay Egbunuche ayaa dibada xabsiga oo ku yaala is-maamulka Enugu waxay kulantay dad ay gabadheeda ku jirto.

"Aad ayaan u farax-sanahay, waxaana u mahad-celinayaa ALLE," ayay Inanteeda Chisom Celestine u sheegtay saxaafadda.

Hay’adda Global Society for Anti Corruption oo NGO ah ayaa door muhiim ah ka cayaartay sii deynta Egbunuche.

"Haatan waxaan isku sheegi karaa in aan ahay qofka ugu faraxsan caalamka," ayay hadalkeeda raacisay Celestine.

Egbunuche, oo wajaheysa dhibaato caafimaad sida xanuunka macaanka iyo indho-yareyn ayaa hada ku jira isbitaal balse lama oga sida ay isu bedali karaan.

Gabadheeda ayay warbaahinta kasoo xigatay in ay ka shaqeyn doonto sidii ay u daryeeli lahayd hooyadeed.

Intii ay xabsiga ku jirtay, waxaa daryeeli jiray wiilkeed, Paul, oo isla gal-dacwadeedkan ku xiran balse aan cafiska helin.

Cafiska loo fidiyey haweenaydan wuxuu yimid markii isbedal lagu sameeyay maamulka degaanka, mana cadda hadii ay dayeeli u raacin doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM