12 looga shakisan yahay Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Image

NAIROBI, Kenya – Milatariga Kenya ayaa shaaciyey in howlgal qorsheysan oo Khamiistii ay ka fuliyeen keymaha Boni ay ku dileen 12 looga shakisan yahay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

John Elungata, taliyaha booliska gobolka xeebta oo dhacdada xaqiijiyey, ayaa sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jirto sarkaal uu tilmaamay in uu ururka siinayey xogaha sirdoonka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, taliyaha ayaa intaas ku daray in shaqsigaas uu taageero dhanka saadka uu la garab taagnaa maleeyshiyaadka muddo sanado badan, wallow uusan magacaabin.

"Ciidamada Difaaca Kenya oo si joogta ah u wada howlgalada lagu baacsanayo argagixisada waxay maleeyshiyaadka ku kadiyeen xero ay kaga dhuumaaleysanayeen keymaha," ayuu yiri.

Wallow uu ka gaabsaday in uu caddeeyo hadii dhankooda uu jiro wax khasaaro ah, Elungata ayaa raaciyey: "Intii howlgalku socday waxaan kusoo furanay hub iyo rasaas".

Wargeyska Daily Nation ayaa illo wareedyo uusan carabaabin kasoo xigtay in ruux ku hubeysan AK47 ay ciidamada kasoo qabteen goobta uu howlgalku ka dhacay ee degaanka Nginda.

Keymaha Boni oo gabaad u noqotay xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa kaliftay in Kenya ay ciidamo dheeraad ah ku daabusho halkaas, sanadkii 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM