3,000 Iskuul oo Gobolka Amhara, Itoobiya ku Yaal ayaa u Xiran Sababo Amni

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Amhara ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in waxbarashadii laga joojiyay in ka badan 3,000 iskuul oo ku yaalla gobolkaas, iyadoo sababta loo cuskaday ay tahay “walaaca amni”.

Kulan wada-tashi ah oo maanta ka dhacay Bahir Dar, Mekuanent Adame, ku-xigeenka madaxa Wasaaradda, ayaa sheegay in xirnaanshaha hay’adaha waxbarasho ay si weyn u xaddiday awoodda gobolka ee bixinta adeegyada waxbarasho ee tiro badan oo arday ah.

“Muddada sanad-dugsiyeedkan, waxaanu qorsheynay inaan waxbarasho siino 6.2 milyan oo arday oo ku kala jira 10,813 iskuul oo ku yaal gobolka,” ayuu yiri Mekuanent. “Sababo la xiriira caqabadaha amni ee jira, waxaa xiran in ka badan 3,000 iskuul.”

Mekuanent ayaa intaas ku daray in maamulka gobolku uu si dardar leh ugu jiro dadaallo dib loogu furayo iskuullada ku yaalla aagagga nabadgelyada ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM