Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayo oo ka degay Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka degay magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Ducaale ayaa hogaaminaya wafdiga Kenya ee ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], taasoo maanta lagu wado in ay qabsoonto.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle kusoo dhaweeyay Aadan Barre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin kala duwan.

Aadan Barre ayaa wuxuu ku biirayaa madaxda kala duwan oo badankooda ah Soomaali, kuwaasi oo munaasabadaas ka qeybgalkeeda u tegay magaaladaas dekadda leh.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dhamaan wadooyinka soo gala magaaladda lagu arkayaa ciidamo kala duwan, kuwaasi oo nabad-gelyadda xaqiijinaya.

Socdaalka Aadan Barre ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyadda oo xukuumadda federaalka ah ay mamnuucday duulimaadka tooska ah ee Kenya iyo Soomaaliya si lamid ah midka Jubbaland.

Talaabadaas ayaa timid xili maalin kahor ay xukuumaDda qaaday, taas oo u suurtogelisay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif Axmed iyo siyaasiyiin kale in a tagaan Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM