Aadan Barre Ducaale oo ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyay

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaanka Garissa ahna hogaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay Isniinta maanta ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku muujiyey in uu ogolaadey jago ka xayuubinta aadka loo hadal hayo.

"Waan imid, waan arkay, waana guuleystay. Maanta waxay ku beegan tahay sanadkeygii todobaad ee dadka wanaagsan ee Kenya aan ugu adeegayo anigoo ah Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka. Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee kursiga ku hantay qodobka 108aad ee dastuurka," ayuu soo qoray.

Ducaale oo xilka looga qaadey kulan ay yeesheen xubnaha baarlamaanka Kenya ku metela xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa lagu bedelay Amos Kimunya, oo laga soo doorto degaan doorashadda Kipipiri.

Isagoo u waramay warbaahinta kadib markii uu xafiiska la wareegay, Kimunya ayaa ku ammaanay Ducaale "hogaamintiisa suuban".

Intii uu ku guda jiray shirka jaraa'id, Kimunya ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashooyinka la xiriira in Aadan loo eryay in uu ku dhow yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto.

"Isbedelka wuxuu ka yimid Xildhibaanadda oo dareemay in ay tahay mid daruuri ah," ayuu raaciyey. "Isbedelka ma ahan mid lagu dhaawacayo dhiiga qof gaar ah ama lagu wanaajiyo qof kale," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, Ruto oo ka falceliyey xaaladan ayaa bogaadin wuxuu kala dul-dhacay Ducaale, wuxuuna ku sifeeyay "hogaamiye fiican".

Jago ka xayuubinta Ducaale ayaa la macno in Soomaalida Kenya ay waayeen xilka ugu sareeya oo ay ka hayeen waddankaas. Illaa iyo haatan, lama saadaalin karo talaabada xigta ee Aadan Ducaale uu qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM