Abiy Axmed oo cambaareeyay Masaajido lagu gubay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay Masaajido habeenimadii Jimcaha lagu gubay magaaladda Motta, gobolka Amxaaradda ee dalka Itoobiya.

Koox dad ah ayaa ka dambeeyey falkaan lagu beegsaday afar Masjid, oo laba kamid ah lagu burburiyey dabka, halka laba kalena ay soo gaareen waxyeelo aad u baaxad weyn.

Qulqulatooyinka ayaa waxay dhaceen kaddib markii dab aan la filayn uu ka kacay kaniisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Taliska Booliska ayaa ku dhawaaqay in ay baarayaan dhacdooyinkaan, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad ay tuhunsan yihiin.

Abiy, oo qoraal lagu daabacay Twitter-ka, ayaa ku sifeeyay falalkaan "isku day ay xagjiriinta ku doonayaan in ay ku burburiyaan taariikhda hodanka ah ee Itoobiya".

"Isku-yadda xagjiriinta ku doonayaan in ay ku burburiyaan taariikhdeena hodanka ah ee Diimaha iyo Wada-noolaanshiyaha meelna ugama banaana barwaada cusub ee diirada saareysa Itoobiya".

Wuxuu ku daray: "Waxaan cambaareynayaa ficiladaas fulaynimada ah, waxaanna ugu baaqayaa Itoobiyaanka jecel nabada in ay sare u qaadaan aqoonteena qotada dheer ee wada noolaanshaha".

Weerarka lagu qaaday Masaajida iyo xarumaha ganacsiga ee Muslimiinta ku nool magaaladda Motta waxaa ka dhashay carro xoogan, iyaddoo mas'uuliyiinta ka dhiidhisay ay badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM