Abiy Axmed oo fariin toos ah usoo diray Xasan Sheekh

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku yiri dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Lacag ha ku khasaarin, hana ku wareegin dalalka Caalamka si dalkiisa loo eedeeyo kadib markii heshiiska badda ay la gashay horaantii sanadkan Somaliland.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in xiisadda taagan lagu xalin karo saacad gudaheeda, hadii dowladda Soomaaliya toos wadahadal ula gasho xukuumadiisa, balse taasi bedelkeeda ay ku wareegayso caalamka.

“Taladaydu waa lacag ha khasaarina, Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo iyadoo ay suurtagal tahay in Addis Ababa noogu timaado dowladda Soomaaliya. Waxaan diyaar u nahay wadahadal, ayuu yiri Abiy Axmed, isaga oo intaas ku daray in lacagtaas ay wanaagsan tahay inay ku baxdo  “Dhismaha hal-km oo wado ah, ama hal iskuul oo Muqdisho laga dhisayo; Shacabka ayaa ka faa’iideysan doona” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Abiy Axmed ayaa sheegay in maadaama aysan dowladda Itoobiya dagaal kula jirin Soomaaliya uu xalka khilaafka taagan uu aad u sahlan yahay, wuxuuna beeniyay in Itoobiya ay faragelin ku hayso midnimada dalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in Itoobiya askar badan uga dhinteen nabada Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ilaaliso derisnimada. Abiy Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in heshiiska Somaliland la galay uu yimid kadib markii dowladda Soomaaliya ka diiday inay badda heshiis kala gasho.

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xili Ankara ka dhacay dhawaan shir u dhaxeeya labada dowladooda ooTurkiga dhex-dhexaadinayo, kaasoo bilowgiisa fashil ka jiray, iyadoo wajiga 2aad lagu ballamay 2da September 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM