Abiy Axmed oo isku-shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Dr Abiy Axmed Cali, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu isku shaandheyn ay ku baxeen mas'uuliyiin culus uu ku sameeyay Golahiisa Wasiirada.

Wasiirkii difaaca ee todobaadkii hore xabsi guriga la geliyey, Lemma Megerssa, ayaa la eryay iyaddoo lagu bedelay Kene’a Yadeta, madaxii hore ee arrimaha nabada iyo ammaanka ismaamulka Oromada.

Megerssa oo bilooyinkii u dambeeyay uusan hagaagsaneyn cilaaqaadka kala dhaxeeyay saaxiibkiisii hore ee Abiy ayaa jagadaas laga xayuubiyey waxaa loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2019.

Takele Uma, ku xigeenkii duqa Addis Ababa, ayaa laga dhigay wasiirka Macdanta iyo Batroolka, wuxuuna bedelayaa Dr. Samuel Urkato oo dhankiisa loo wareejiyey Wasaarada Sayniska iyo Arrimaha Taclinta.

Hirut Woldemariam, oo ahaa Wasiirka Waxbarashadda, ayaa loo magacaabay lataliyaha arrimaha bulshada ee Abiy Axmed; xilkaas waxaa horey u hayey Tayiba Hassan, madaxweyne ku xigeenkii Oromada.

Dhanka kale, Jeneraal Adanech Abiebie ayaa laga qaadey xilkii xeer-ilaaliyaha, iyaddoo lagu bedelay ku xigeenkeedii Gedion Timothiwos; Abiebie waxa loo wareejiyay ku xigeenka duqa Addis Ababa.

Fikadu Tsega, oo ahaa agaasimahii xafiiska xeer-ilaaliyaha ee baaritaanka dambiyada xuduudaha, ayaa lagu bedelay Gedion Timothiwos.

Isbedeladaan safka balaaran leh ayaa dhacaya iyaddoo dalkaas ay ka jirto qalalaase iyo isqabqabsi dhanka doorashooyinka isla markaana ay qaybo kamid ah ka socdaan mudaaharaadyo isbedel doon ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM