Abiy Axmed oo isku-shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Dr Abiy Axmed Cali, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu isku shaandheyn ay ku baxeen mas'uuliyiin culus uu ku sameeyay Golahiisa Wasiirada.

Wasiirkii difaaca ee todobaadkii hore xabsi guriga la geliyey, Lemma Megerssa, ayaa la eryay iyaddoo lagu bedelay Kene’a Yadeta, madaxii hore ee arrimaha nabada iyo ammaanka ismaamulka Oromada.

Megerssa oo bilooyinkii u dambeeyay uusan hagaagsaneyn cilaaqaadka kala dhaxeeyay saaxiibkiisii hore ee Abiy ayaa jagadaas laga xayuubiyey waxaa loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2019.

Takele Uma, ku xigeenkii duqa Addis Ababa, ayaa laga dhigay wasiirka Macdanta iyo Batroolka, wuxuuna bedelayaa Dr. Samuel Urkato oo dhankiisa loo wareejiyey Wasaarada Sayniska iyo Arrimaha Taclinta.

Hirut Woldemariam, oo ahaa Wasiirka Waxbarashadda, ayaa loo magacaabay lataliyaha arrimaha bulshada ee Abiy Axmed; xilkaas waxaa horey u hayey Tayiba Hassan, madaxweyne ku xigeenkii Oromada.

Dhanka kale, Jeneraal Adanech Abiebie ayaa laga qaadey xilkii xeer-ilaaliyaha, iyaddoo lagu bedelay ku xigeenkeedii Gedion Timothiwos; Abiebie waxa loo wareejiyay ku xigeenka duqa Addis Ababa.

Fikadu Tsega, oo ahaa agaasimahii xafiiska xeer-ilaaliyaha ee baaritaanka dambiyada xuduudaha, ayaa lagu bedelay Gedion Timothiwos.

Isbedeladaan safka balaaran leh ayaa dhacaya iyaddoo dalkaas ay ka jirto qalalaase iyo isqabqabsi dhanka doorashooyinka isla markaana ay qaybo kamid ah ka socdaan mudaaharaadyo isbedel doon ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM