Abiy Axmed oo magacaabey taliyaha cusub ee ciidamada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Adem Maxamed u waxa uu u magacaabey taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Itoobiya, maanta oo Sabti ah, sida ay ku warameyso Addis Fortune.

Mr Maxamed ayaa wuxuu bedalayaa Seare Mekonnen kaasi oo todobaadkii hore lagu dhex-dilay hoygiisa ku yaala magaaladda caasimada ah ee Addis Ababa.

Marxuumka waxaa lala khaarijiyey Gezai Abera, oo ah Jenaraal howlgab ah, kaasi oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Seare.

Adem ayaa kahor xilkan cusub waxa uu ahaa Madaxa Hay’adda Sirdoonka, jagadaasi oo loo dhiibay sanadkii hore.

Seare ayaa isla xiligaasi loo xushay xilka taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadankan aan badda lahayn.

Taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Itoobiya, waxaa waqtigaasi uu bedellay Samora Yunis, kaasi oo la eryay.

Dhanka kale, wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa madaxa cusub ee hay’adda sirdoonka u magacaabey Demelash Gebremichael.

Si lamid ah digreetadda kasoo baxdey xafiiska Abiy waxaa Mola Hailemariam loogu magacaabey taliyaha ciidamada lugta ee Itoobiya.

Isbedalkan ayaa imaanaya iyadda oo ay socdaan howlgalo ka dhan ah shaqsiyaad lala xiriirinayo afgembigii fashilmay ee galaaftey taliyaha ciidamada iyo madaxdii ugu sareysay gobolka Amxaarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM