Abiy Axmed oo soo saarey go'aan la xiriira ka hortagga Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Isniinta maanta ah wuxuu soo saarey go'aan la xiriira Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Abiy ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dugsiyadda lana joojinayo dhacdooyinka isboortiga si lamid ah kulamada dadweynaha. Xanibaada waxay socon doontaa muddo 15-maalmood ah.

Sidda ku xusan warbixinta, waxay talaabooyinkaas la xiriiraan ka hortagga faafintaanka COVID—19.

Gudaha Itoobiya, waxaa la xaqiijiyey shan kiis oo la xiriira Coronavirus, iyaddoo baaritaano ay ku socdaan tirro kale.

Dadka laga helay xanuunkaas waxay ka yimaadeen Dubai, sidda uu ka dhawaajiyey Abiy, oo ku adkeystay in ay qaadayaan talaabooyin kasta oo laga maarmaan ay u arkaan.

"Jaamacadaha waan eegi doonaa hadii ay awoodaan in ardaydu baaqi ku ahaadaan xarumahooda," ayuu ku yiri fariin uu u diray Itoobiyaanka oo ku saabsan caabuqa dilaaga ah.

Coronavirus oo kaliya dilaya qofka uu hooseeyo difaaca jirkiisa isla markaana da'diisu ka weyn tahay 60-sano jir ayaa illaa iyo haatan galaaftey in ka badan shan, sidda ay sheegtay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM