Abiy oo qiray in wali uu dagaal ka socdo gobolk Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada militariga Itoobiya ayaa waqti xaadirkan dagaal jabhadeysan "oo adag oo daal badan" waxay ka waddaan gobolka waqooyiga ku yaala ee Tigreega, sida uu qiray ra'iisul wasaare Abiy Ahmed.

Dhawaqiisa ayaa waxay calaamad u noqon kartaa jab xoog leh oo horey loo wariyey in uu ka dhashay hawlgallada millatari ee la bilaabay Nofembar kaasoo la filayey in uu si dhaqso ah kusoo afjarmi doono guulana laga gaari karo.

Abiy oo ka hadlaya Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega (TPLF), wuxuu yiri "Jabhaddii aan ka tirtirnay saddex toddobaad gudahood hadda waxay isu rogtay hab dhuumaaleysi ah, oo ku milmay beeraleyda, waxayna bilaabeen inay u dhaqaaqaan hadba meeshii ay u socdaan".

Wuxuu intaas ku daraya: "Hadda, ma awoodno inaan ku baabi'inno saddex bilood gudahood".

"In la tirtiro cadow muuqda oo la tirtiro cadow ku dhuumaaleysanaya kuna shaqeynaya iyada oo lala midoobo kuwa kale isku mid maahan. Waa mid aad u adag oo daal badan," ayuu ka dhawaajiyey.

Ciidamada Federaalka ayaa u dhaqaaqay Tigray bishii Nofeembar iyagoo ujeedkoodu ahaa "soo celinta xukunka sharciga" waxaana ay guulo horudhac ah ka sheegteen gulufka ka dhanka ah TPLF, oo ah xisbigii siyaasadeed ee markaas gacanta ku hayay gobolka, kadib weeraradii lama filaanka ahaa ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada federaalka.

Howlgalka ayaa lagu dhawaaqay inuu guulaystay markii hogaanka TPLF ay faarujiyeen magaaladii ay ku xooganaayeen ee Mekelle, caasimada gobolka, waxaana la dhisay maamul ku meel gaadh ah oo daacada u ah Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM