Abiy oo shaaciyey tiradda dhimashada ee banaanbaxyadii Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo shaaciyey in geerida banaanbaxyada bishii hore ay gaareyso 86, ayaa dadweynaha ku booriyey in iska caabiyaan xoogaga carqaladeynaya horumarka wadanka.

"Waan in aan joojinaa xoogaga kuwaasoo isku deyaya in ay gedaal noo celiyaa annaga oo horey u socona," ayuu Abiy ka sheegay shir jaraa'id oo uu kula hadlay warbaahinta maxaliga ayna baahisay saxaafadda dowladda.

Taageereyaasha Jawar Maxamed, oo u ololeeya qadiyada Oromada, ayaa wadooyinka qabsaday 23-kii illaa iyo 24-kii October, markii boolisku hareeyay hoygiisa Addis Addaba iskuna dayey in ay ilaalada kala noqdaan.

Sidda uu ka dhawaajiyey Abiy, dadka geeriyooday oo badankooda ka kala yimid gobolada Oromada iyo Amxaarada iskuna jiray Muslimiin iyo Masiixiyiin ayaa 82 kamida waxay yihiin rag, halka afarta kale ay dumar yihiin.

Mudaaharaad kale ayaa laga soo wariyey magaalooyin ka tirsan gobolada Oromada, oo ah midka ugu dadka badan Itoobiya, waxaana Qaramadda Midoobay sheegtay in ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo ruux.

Kahor doorashadda 2020-ka, Abiy ayaa u baahan in uu si taxadar leh ugu socdo wadada uu furay ee xorriyadda siyaasadeed iyo awoodaha huban qowmiyadaha kuwaas oo dalbanaya dhul, awood iyo kheyraadka kooxahooda.

Magacaabidiisa bishii April 2018-kii, Itoobiya waxay u ahayd waa cusub oo u baryey, wuxuuna ku guuleystay dib u habeyn siyaasadeed taasoo uu ku helay ammaan caalami ah balse arrimaha gudaha wali waxba kama qaban.

Xasaradaha qowmiyadaha ku saleysan ayaa cirka isku sii shareeray. Itoobiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan, waxaana lagu sheegaa 100 milyan oo qof.

Abiy Axmed Cali, oo ay iska dhaleen aabe Muslim ah iyo hooyo Masiixi ah, ayaa bishii hore ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize, taasoo uu ku muteystay nabadda Eritrea, cadowgii hore ee Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM