Abiy Axmed iyo Michael Pompeo oo wada hadalo telefoonka ah yeeshay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada hadalo dhanka telefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Michael R. Pompeo, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ugu horeyn, Pompeo ayaa Abiy Axmed wuxuu ugu hambalyeeyay guushiisa abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize.

"Wasiirka waxa uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay xoojinta iskaashiga Mareykanka iyo Itoobiya," ayuu yiri xafiiska Abiy. "…iyo taageeradda Washington ee dib u habeynta taariikhiga ah ee Itoobiya".

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kawada xaajoodey dibad-baxyadda kasoo cusboobaadey gobolka Oromada, waxayna isla meel-dhigeen baahida loo qabo in qaab nabadoon loo wajaho isku dhacyada qowmiyadaha.

"Xoghaye Pompeo iyo Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale kawada xaajoodey arrimaha gobolka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waydiistay wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa in uu taageero fuinta qorshaha Dowlad Midnimo Qaran ah oo ka hirgasho dalka Suudaanta Koonfureed iyo Heshiiska Nabadda.

Wada hadalkan ayaa imaanaya xili Itoobiya ay xaqiijisay in tobanaan ruux ay ku naf-waayeen mudaaharaadyo ay kasoo cusboonaadeen Itoobiya markii ciidamada hareeyeen hoyga Jawar Maxamed, oo u ololeeya xuquuqda Oromada.

Jawar Maxamed, oo degan Mareykanka kana mid ahaa raggii ugu dambeeyay ee soo laabtay markii uu xilka la wareegey Abiy ayaa horkacayey banaanbaxii xilka looga tuuray ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM