Abiy oo wafdi uu Uhuru diray kala hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirkiisa arrimaha gudaha, Fred Matiang’i, u diray caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Qoraal Talaadada maanta ah kasoo baxay xafiiska Matiang’i ayaa lagu qiray in uu wakiishay Kenyatta si uu ula kulmo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Si dhab ah looma xaqiijin karo fahfaahinta wadaxaajoodyadda ay yeesheen wafdiga iyo wasiirka koowaad ee Addis Ababa.

Balse wararka ayaa tilmaamay in wadahadalada Abiy iyo Matiang’i diiradda lagu saarey qaboojinta xiisada ka dhex-aloolsan xukuumadaha Nairobi Muqdisho ee salka ku haya sohdinta iyo kiiska badda.

Bayaanka wasaaradda ayaa intaas ku daray in Abiy iyo Matiang’i ay isla eegeen socodsiinta danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee xadka gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Todobaadkii hore, Matiang’i ayaa hogaamiyey wafdi Muqdisho kula kulmay madaxweyne Farmaajo, kaasoo aqbalay martiqaad rasmi ah oo uu ku booqanayo Nairobi si uu ula kulmo dhigiisa Kenyatta.

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay wadahadal ay telefoonka ku yeesheen labada madaxweyne ayaa Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ku boorisay in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurinaya colaad.

Isagoo fulinaya codsi kaga yimid Mareykanka oo ahaa in uu dhex-dhexaadiyo dalalka, ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa lagu waramay in uu ku cadaadiyey Farmaajo in uu si toos ah ula hadlo Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM