Tiradda Ameerikaanka lagu dilay weerarkii Kenya oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in saddex Ameerikaan ah lagu khaarijiyey weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Manda Bay ee gobolka Lamu, wadanka Kenya.

War-saxaafadeed kasoo AFRICOM oo uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay in saddexda ay kala yihiin; hal askari iyo laba shaqsi oo qandaraas kula jiray Wasaarada Difaaca Mareykanka.

Bayaanka ayaa xaqiijiyey in laba kale oo qandaraasleyaal ah uu dhaawaca soo gaarey, xaaladooduna ay wanaagsan tahay.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu qiray in kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay weerarka u adeegsatay hub toos ah oo fudud, wallow aanan tafaasiil laga bixin waxay kala yihiin.

Sawirro laga soo qaadey dableyda ka dambeysay, oo ka badnaa shan, ayaa muujiyey in ay wateen garneelada garbaha laga tuuro iyo qoryaha fudud.

Stephen Townsend, agaasimaha howlgalka AFRICOM, oo tacsi u diray ehelada Ameerikaanka, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay sidii gobolka looga sifeyn lahaa Al-Shabaab.

Townsend oo sheegay in Donald Trump uu siiyey ay ku cadaadiyaan Al-Shabaab ayaa sheegay in magacyadda Ameerikaanka dhintay u qarinayaan, maadaama aan qoyskooda lagu wargelin.

Manda Bay oo ka kooban xero ciidan iyo garoon diyaaradeed ayaa lagu tababaraa ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale, ciidamadda Kenya ayaa shaaciyey in todoba diyaaradood oo laba kamid ah ay yihiin kuwa qumaatiga u kaca, iyo gaadiid dagaal lagu gubay weerarka oo dhacay aroornimada Axadii, 5-ta Janaayo, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM