Al-Bashiir oo qarka u saaran in uu wajaho dacwado dambiyo dagaal ah

Image

KHARTUUM, Suudaan – Ra'iisul wasaaraha Sudan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu Maxkamada Dambiyada Caalamiga kala shaqeeyo maxkamadeynta dadka dambiyada dagaal ka geystay gobolka Dafuur.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Khartuum, Cabadalla Xamduuk, oo xusay in dowladiisu la gashay kooxaha hubeysan heshiis ay maxkamad kaga soo muuqan doonan shan kamid ah Suudaaniyiinta ay ICC goobeyso.

Hase ahaatee, ma uusan caddeynin doorka ay Suudaan ku yeelaneyso maxkamadeyntaas iyo hadii uu kamid yahay Al-Bashiir.

"Waxaan hoosta ka xariiqayaa in dowladda ay si buuxda ugala shaqeyn doonto ICC fududeynta in ay hesho kuwa dambiyada dagaal ku eedeysan iyo dadka geystay dambiyada liddiga ku ah dadnimada," ayuu yiri.

Hadalkaas ayuu Sabtidii todobaadkan wuxuu ka jeediyey telefishinka ku hadla afka dowladda xilli uu kasoo hadlayey xafiiskiisa gaarka.

Cumar Xasan Al-Bashiir, hogaamiyihii mudada dheer xukumayey wadankaas, ayaa ku jira liiska shaqsiyaadka eedeymahaas loo haysto.

Al Bashiir oo xabsi ku jira tan iyo sanadkii hore xukunka looga tuuray isu soo baxyo shacab waxaa doon-dooneysa ICC, taasoo ku haysata in uu mas'uul ka yahay dilka qiyaastii 300,000 qof oo Dafuur lagu dilay 2011-kii.

Mr Al-Bashiir ayaa dhowr jeer si ku cel-celis ah u beeniyey eedeymaha ka dhanka ah, wuxuuna ka badbaadey shirqoolo lagu soo taagi lahaa Maxkamada The Hague markii la isku dayey in lagu qabto wadamo uu booqasho ku tegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM