Al-Shabaab oo laga digay in ay ka faa'iideysato faafitaanka Coronavirus

Image

NAIROBI, Kenya – Iyaddoo dunida ay ku howlan tahay ka hortagga Coronavirus oo galaaftey in ka badan 11-kun oo ruux, taas kama dhigna in hoos loo dhigo feejignaanta dhinaca amniga, sida uu sheegay Mareykanka.

Si gaar ah qaaradda Afrika oo wajaheysa "caqabado xoogan" marka ay timaado xakameynta cudurka ayuu ka dhawaajiyey in ay u baahan tahay taxadar dheeraad ah.

Dagvin Anderson, Taliyaha ciidamada Mareykanka ee howlgalada gaarka ah ka fuliya qaarada Afrika, ayaa ka dhawaajiyey hadalkaas kadib markii uu wareysi gaar ah siiyey wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay fursad u arki karto in ay qaado weeraro xili wadamada ay ku mashquulsan yihiin la tacaalida howlaha la xiriira xakameynta fayruskaas loo dhiman karo.

Wallow uu carabka ku adkeeyay suurtagalnimada in kooxdu ka faa'iideysato faafitaanka caabuqaas dilagaa ah, haddana wuxuu jawaab u waayey qaabka ay fulin karto howlgalada ay qorsheyso.

"Ma cadda sidda ay Shabab isugu dayi karto in ay kaga faa'iideysato faafitaanka Coronavirus ee qaarada [Afrika], halkaasoo wadamo badan ay wajahayaan caqabado xoogan si ay uga jawaabaan dhibaatada, General Anderson ayaa Jimcadii sidaas ku yiri wareysiyo oo khadka telefoonka ah oo uu bixiyey isagoo ku sugan fariisimahiisa Germany," ayay majalada NYT ku sheegtay nuqul kamid ah warbixin ay daabacday Sabtidii.

Gudaha qaaradda Afrika, in ka badan kun kiis ayaa laga xaqiijiyey ku dhowaad 30 wadan, taasoo macnaheedu yahay in kala bar uu xanuunka gaarey.

Al-Shabaab, oo gacansaar la leh shabakada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida, ayaa la aaminsan in ay haysato dagaalameyaal caaboon oo tiradoodu u dhaxeyso shan illaa iyo sideed kun.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya waa meelaha ay si firfircoon uga howlgasho kooxda, balse hadafkeedu waa in ay wada gaarto guud ahaan qaarada, sidda uu sheegay taliska AFRICOM.

Mareykanka oo horboodaya ololaha balaaran ee ka dhanka ah ururkaas ayaa dhowaan ka digay in kooxdu beegsato diyaaradaha ku safra nawaaxiga xuduudka dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya, oo ah fariisinka ugu weyn ee maleeyshiyaadkaas, ayaa laga helay hal kiis kaasoo la xaqiijiyey in uu la nool yahay muwaadin ka yimid Shiinaha, kaasoo haatan ay gacanta ku hayso Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM