"Al-Shabaab" oo mar kale weerar culus ka fulisay dalka Mozambique

Image

NAIROBI, Kenya – Muddo saddex maalmood gudaheeda ah, dagaalameyaal la magac-baxay Al-Shabaab oo mar kale weeraray waqoyga dalka Mozambique ayaa burburiyey saldhig boolis kahor inta aysan qabsan.

Wakaaladda wararka u faafisa Faransiiska ee AFP ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in sidoo kale maleeyshiyaadka ay hakiyeen isu socodka magaalada.

Sarkaal ka tirsan bileyska oo dhacdada xaqiijiyey ayaa shaaca ka qaadey in weerarka lagu qaadey magaalada Quissanga ay fuliyeen dabley tirro badan.

"Muddo 20-daqiiqadood ah ayay ku hareeyeen booliska, kadibna waxay qabsadeen saldhigyadda oo ay burburiyeen," ayuu raaciyey, isagoo codsadey in aan la shaacin magaciisa.

Isniintii ayay ahayd markii xoogaga ay la wareegeen magaalada ku taala gobolka hodanka ku ah shidaalka ee Mocimboa da Praia kahor inta aysan weerarin saldhig milatari oo calankooda ay ka taagin.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya dagaalameyaal tirro ahaan gaaraya sideed kuwaasoo afka u duuban yahay isla markaana ku hubeysan qoryo AK47 ah iyo bambaanooyinka gacanta.

Dadka degaanka ayaa bilaabay in ay ka baracaan magaalooyinka gobolka, iyaddoo koox sheegatay in ay xiriir la leedahay ISIL ay tilmaamtay in ay ka dambeysay duulaankaas, aysan ka hadlin dowlada.

Sidda ay warisay saxaafada, shacabka ayaase u yaqaana Al-Shabaab, wallow aysan kala caddeyn hadii ay xiriir la leedahay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, dal ku yaala Geeska Afrika.

Tan iyo bishii October sanadkii 2017-kii, gobolka Cabo Delgado waxaa ragaadiyey weeraro culus oo ay fulinayaan jihaad-aloosyaal. Sidda ay sheegeen dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, waxaa lagu khaarijiyey 700 oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM