Al-Shabaab oo qarax la eegatay ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda dalka Kenya ee ka howlgala Soomaaliya ayaa Sabtidii waxaa bartilmaameedsaday maleyshiyadda Al-Shabaab, sidda ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah ee waddankaas.

Sidda ay warbixinadu qeexayaan, laba kamid ah gaadiidka ciidanka Kenya ayaa dulmaray qarax miino oo Al-Shabaab u maleegtay. Falkaas wuxuu imaanayaa xilli Mareykanka la baxayo ciidamadiisa.

Weerarka, sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal, ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Dhobley-Taabto oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose halkaasoo ciidamadda Kenya ku leeyihiin saldhig ay ka qaadaan howlgalka.

Khasaaraha dhimasho ee qaraxaas ayaan wali caddeyn. Balse waxaa la ogyahay in gaariga ay waxyeelo daran kasoo gaartey falkaas. Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 3,500 kana mid ah AMISOM.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagay maalmo kahor sanad-guuradii shanaad ee kasoo wareegatay weerarkii Al-Shabaab ku laysay boqolaal kamid ah askarta Kenya kadib duulaankii saldhigooda Ceel Cadde.

Duulaankaas oo wali ah midkii ugu xumaa taariikhda ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay. Balse, warbaahinta Kenya waxay warisay in lagu dilay 150 askari laguna la’yahay tobanaan kale.

Sanad kadib weerarkaas, mid kale oo ciidamadda Kenya lagula eegtay Kulbiyow waxaa ku naf-weyday in ka badan 70 askari.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa leh xuduud dheer balse maamulada ka jira xiriirkooda aad uma wanaagsana daruufo kala duwan awadeed. Hasa ahaatee, waxay wajahayaan hal cadow oo ah ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM