Al-Shabaab oo u cagajugleysay dadka ku nool tuulo ku taala Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Xogo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay digniin siiyey dadka ku nool degaanka Lafey oo hoostaga maamulka Mandhera ee waddanka Kenya, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Dagaalemayaasha xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa la sheegayaa in dadka ay uga digeen in ay dhaqdhaqaaqyadooda ay ku war-geliyaan laamaha amaanka, taasi oo ay sheegeenin ay ku muteysanayaa "ciwaaqibnimo adag".

Wargeyska Daily Nation ayaa baahinaya in xoogaga dowladda ay ka war-qabaan in dagaalamayaal gaaraya 40 oo Al-Shabaab ah ay kasoo gudbeen xuduudka Mandhera isla markaana ay gudaha ku jiraan.

Dhanka kale, saraakiisha ay Kenya laga soo xigtay in kooxdu ay dalbatay in hub laga soo furtay todobaadkii hore uu gacantooda kusoo galo muddo 24-saac gudahooda ah hadii kalena ay dhibaateyn doonan rayidka.

"Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in ay codsadeen in hubkooda ay ku helayn 24-saacadood gudahooda hadii kale ay carada kala dul-dhici doonan dadka degaanka ee ku nool Lafey," ayaa lagu yiri warbixinta.

Saanadaasi oo isugu jirtay walxo qarxa iyo noocyo kale oo hub ah ayaa waxaa lagu soo furtay markii ay ciidamada Kenya duulaan ku ekeeyeen saldhig ay Al-Shabaab ka sameysatay gudaha gobolka Mandhera.

Warbixinta ayaa intaasi raacineysa in saraakiisha amniga looga dhigay in ay iska indho-tiraan cagajugleynta Al-Shabaab, taasoo dhowaanahaanba howlgalo guuleystay ka fuliyey gudaha Kenya.

Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamtay in ay wadaan qorshe dadka degaanka looga soo rarayo tuulooyinka Wante iyo Daba isla markaana loogu geynayo goobaha nabad ah si ay uga badbaadaan "aargoosiga" Al-Shabaab.

Arrimahaan oo idil waxay imaanayaa iyadda oo shalay la joojiyey gaadiidkii gobolka Mandhera iyo magaaladda caasimada ah ee Nairobi, taasoo sabab looga dhigay "baqdin weerar argagixiso".

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska caabinta wiiqitaanka Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda soo galeyn Soomaaliya 2011-dii iyaga oo dib kaga biiray howlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

  • Afrika

    28-04-2024

  • 04:30AM

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM