Al-Shabaab oo weerartay saldhig boolis "si ay uga furato xubno"
NAIROBI, Kenya – Maleyshiyaad ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa fiidnimadii Talaadada weeraray saldhiga booliska ee Dadajabuula ee hoostaga magaaladda Wajir ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Duulaanka ayaa waxaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah, kaasoo muddo saacado ah socday, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.
Ma cadda tiradda ay gaarayeen Al-Shabaabka weerarka ku ekeeyay saldhiga, kuwaasoo la sheegay in ay ku qaylinayeen erayo Soomaali ah.
Weerarka oo aad u xooganaa ayaa waxaa la sheegayaa in ay u adeegsadeen madaafiic iyo garneelada garbaha laga ganno.
Taliska Booliska ayaa shaaca ka qaadey in laba ruux ay ku dhinteen gulufkaas. Labada shaqsi waxay ahaayeen maxaabiis Al-Shabaab ah, kuwaasoo lagu soo qabtay howlgalo qorsheysan oo la sameeyay.
Baaris ayaa ku socota ujeedka weerarka. Warar ayaa sheegaya in ay damacsanaayeen in ay furtaan ragga, kuwa kale waxay leeyihiin "in ay dilaan bey rabeen" qaar kale waxay leeyihiin "xog bey ka rabeen".
Illo wareedyo ayaa wariyaha Garowe Online ee Kenya u sheegay in saddex askari oo boolis ah iyo ruux shacab ah ay ku dhaawacmeen falkan, oo raggii ka dambeeyay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya.
"Wadarta guud ee askarta ku sugneyd saldhiga ayaa gaareysay 17," ayuu yiri, isaga oo raaciyey in ciidamadda ay howlgalu bilaabeen.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii bileysku shaaciyey in dhigooda Soomaaliya u gacangeliyeen laba kamid ahaa dagaalameyaasha Al-Shabaab kuwaasoo ka dambeeyay qarax Miino oo lagu khaarijiyey askar.
Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha Kenya maadaama xukuumadda Nairobi dhankeeda ay karaar-siisay qorshaheeda ka dhanka ah ururka ee ah in liiska madow lagu daro.
Ku dhowaad 4-kun oo askar ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo la filayo in waqtigooda joogitaanka ka dhamaado 2022-ka.
GAROWE ONLINE