Al-Shabaab oo weerartay saldhig Mareykanka ku leeyahay Kenya

Image
Image

LAMU, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadey saaka aroortii saldhig militeriga Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Kenya, islamarkaana ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyay askartii halkaasi ku sugnayd.

War qoraal ah oo Al-Shabaab soo saartey ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen dagaalyahano gaar ah, oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta, kuwaasoo beegsadey saldhiga lagu magacaabo "Camp Simba" oo ku yaalla gobolka Lamu, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay saldhigga sida aadka ah loo ilaaliyo ee ciidamada badda Mareykanka ku leeyihiin degaanka "Manda Bay", waxaana la maqlayay qaraxyo iyo hubka culus, iyadoo labada dhinac aan wali war kasoo saarin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Ciidamo kale oo u dhashay Kenya ayaa la sheegay inay saldhigga ka howlgalaan, waxaana jirta warar sheegaya in weerarka uu ku billowday qarax loo adeegsaday gaari walxaha warxa lagu soo xiray, oo albaabka lagu dhufay.

Dowladaha Kenya iyo Mareykanka wali kama aysan hadlin weerarka saldhigga ciidamadooda ee Lamu ay kusoo qaadey Al-Shabaab.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo Al-Shabaab 2020 ku qaadey saldhig ciidanka Mareykanku leeyihiin, waxaana kusoo beegmayaa xilli maalin kahor AFRICOM ay sheegtay in 3 Al-Shabaab ah ku dileen duqeyntii gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM