Al-Shabaab oo xubno "u daabushay" xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka iyo sirdoonka Kenya ayaa rumeysan in dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin xadka Soomaaliya, sidda uuu wariyey mareega Nairobi News.

Warsidaha oo soo xigtay macluumaadyo sirdoonka ayaanan shaacin qorshaha ay damacsan yihiin xubnahaas iyo talaabada ay ciidamada qaadayaan.

Kenya ayaa mar sii horeysay ciidamo horleh u soo daabushay sohdinta Soomaaliya si ay uga hortagaan weerar ka yimaada dhanka Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa qaar kamid ah magaalooyinka Kenya ka fuliya weerar tan iyo markii ay ciidanka dalkaas ay ku biireen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Arbacadii, 4-ta December 2019, Al-Shabaab ayaa burburisay Anteenada shirkad is-gaarsiin oo ku taala degaanka Dilso ee ismaamulka Garissa.

Taliska Booliska oo xaqiijiyey dhacdada ayaa meesha ka saarey in uu khasaaro dhimasho soo gaarey askar halkaas ku sugneyd.

Al-Shabaab oo warbixin kasoo saartay falkaas ayaa xustay in muddo saacado ah ay gacanta ku haysay degaanka ayna lahadashay dadweynaha.

Degaanadda dhaca gobolka Waqooyi Barri Kenya oo ay Al-Shabaab horey ugu burbursay Anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta waxaa kamid ah; Amuma, Yumbis, Welmerer, Galmagala iyo Hulugho.

Kenya ayaa dhowaan waydiisatay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka in Al-Shabaab loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami, si dagaalka lagula jiro uu u noqdo "mid loo dhan yahay".

Soomaaliya oo kasoo horjeesatay qaraarkaas ayaa ku doodey in uu waxyeelo u geysanayo xuquuqda aadanaha iyo gargaarka, hase ahaatee, diidmadaas waxaa lagu qeexay "mid siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM