Al Sisi oo ku fashilmay in uu u kala dabqaado Jabuuti iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Masar, Cabdul Fataax Al Sisi ayaa isku dayey in uu u kala dab-qaado Jabuuti iyo Kenya, sidda uu Axadda maanta ah qoray wargeyska afka dheer ee The East African.

Al Sisi ayaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta ku kulan siiyey New York, halkaasi oo ay uga wada qayb-galeen shirka loo dhan yahay ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankaas oo isha lagu hayey ayaa waxaa looga hadlay xilfaaltanka labada dal ka dhaxeeya oo ku aadan xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ujeedada shirkaas ayaa ahaa in xal kama dambeys ah loo helo tartanka labaddan waddan ee dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Jaraa'idka oo aan soo xiganay illo wareedyo ayaa xusay in Al Sisi loo sheegay kadib "wada hadal" in Jabuuti ay diyaar u tahay baratan.

Geelle ayaa khudbadiisa ku sheegay in Nairobi aysanu caqlin kursigaas, maadaama aanan lagu haleyn karin ammaanka gobolka. Uhuru oo dafiray wuxuu coksaday kaalintooda nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Bishii August 22-keeda ayay ahayd markii ururka Midowga Afrika uu Kenya u doortay murashaxnimada kursigaas. Balse, Jabuuti oo aan rajo dhigin ayaa sugeysa coddeynta ee dalalka UN-ka.

Doorashadda oo ay ka qeybgalayaan dhamaan dalalka xubinta ka ah Qaramada Midoobay ayaa loo muddeeyay bisha June ee sanadka dambe iyadda oo Soomaaliya ay taageertay olalaha Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM