Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast
Abidjan, 30 Luulyo 2025 — Saddex bilood uun ka harsan doorashada madaxtinimada Ivory Coast, Madaxweynaha muddo dheer xilka hayey, Alassane Ouattara, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu mar afaraad u tartamayo xilka madaxweynaha, taasoo soo afjartay bilooyin mala-awaal iyo hadal-heyn ah.
"Waxaan u taaganahay doorashada maxaa yeelay waxaan rabaa in dalkayaga qaaliga ah ee Côte d'Ivoire uu sii ahaado mid barwaaqo ah, nabad ah, isla markaana xasilloon," ayuu yiri Ouattara oo khudbad telefishin laga sii daayey jeediyey Talaadadii.
Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in dalka uu wajahayo caqabado dhanka ammaanka, dhaqaalaha, iyo lacagta ah oo aan hore loo arag. “Runtii, khatarta argagixisadu waa sii kordhaysaa guud ahaan gobolka, halka hubanti la’aanta dhaqaalaha caalamiga ahi ay halis ku tahay dalkeenna,” ayuu yidhi.
Ouattara wuxuu ku dooday in duruufahan adag ay u baahan yihiin hoggaan khibrad leh.
Bilihii la soo dhaafay, xisbigiisa talada haya ee Rally of Houphouëtists for Democracy and Peace (RHDP), ayaa dalka oo dhan ka waday olole ballaaran oo loogu baaqayey inuu markale isu sharaxo, iyaga oo ku tilmaamay “midka kaliya ee dammaanad qaadi kara xasilloonida gobolka.”
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Ouattara ayaa la filayaa inuu kiciyo caro ka timaadda mucaaradka, kuwaas oo horay u diiday natiijadii doorashadii 2020 iyaga oo ku tilmaamay muddo xileedkiisii saddexaad mid aan dastuuri ahayn.
Sanadkii 2016, Ouattara ayaa dastuurka wax ka beddelay si uu markale ugu tartamo doorashadii 2020, taasoo keentay muran siyaasadeed oo xooggan.
Doorashada 2025, Ouattara waxaa la filayaa inuu wajaho dhowr musharax oo mucaarad ah, haddii ay helaan oggolaanshaha rasmiga ah.
Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Ivory Coast (PDCI), Tidjane Thiam, iyo madaxweynihii hore Laurent Gbagbo, oo hadda hoggaamiya Xisbiga Shacabka Afrika ee Ivory Coast (PPACI), ayaa wali dacwado ka wada maxkamadda si loogu daro liiska cod-bixiyeyaasha, kadib markii laga reebay.
Labada xisbi mucaarad ayaa bilaabay olole wadajir ah oo ay ku dalbanayaan in hoggaamiyayaashooda laga qaado mamnuucista si ay doorashada uga qayb qaataan.
Soo gudbinta musharaxiinta ayaa si rasmi ah u xirmeysa dhammaadka bisha Agoosto, halka wareegga koowaad ee doorashada madaxtinimada uu dhici doono 25ka Oktoobar.
GAROWE ONLINE