Algeria: Ra'iisul Wasaariyeyaal hore oo xukunno adag lagu ridday

Image

ALGIERS, Algeria – Maxkamad qaada dambiyadda oo ku taala Algeria ayaa maanta oo Talaado ah xukun ku ridday laba ra'iisul wasaare hore.

Abdelmalek Sellal ayaa waxaa lagu xukumay 12-sano oo xarig ah, halka Ahmed Ouyahia isana lagu xukumay 20-sano oo xabsi ah.

Ali Hadad, oo ahaa ganacsade xulafa dhow la ahaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Abdelaziz Bouteflika, ayaa lagu xukumay todoba sano oo xabsi ah.

Telefishinka qaranka waddankaas Carbeed ee dhaca waqoyga Afrika ayaa wuxuu baahiyey xukunadda lagu kala ridday madaxdaas.

Dhamaan mas'uuliyiinta ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal musuqmaasuq ah, sidda ku xusan gal-dacwadeedka laga gudbiyey.

Sellal ayaa laba jeer noqday ra'iisul wasaare intii uu xafiiska joogay madaxweyne Abdelaziz Bouteflika.

Xukunkooda ayaa kusoo aadaya maalmo kahor doorashadda madaxtooyadda dalkaas oo qabsoomeysa 12-ka bisha December ee sanadkan 2019.

Bouteflik oo muddo badan xukunka hayey ayaa xafiiska baneeyay bishii April kadib markii mudaaharaadyo lagu dalbanayo is-bedel ay ruxeen dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM