Amadou Gon Coulibaly: Ra'iisul wasaarihii Ivory Coast oo geeriyooday

Image

YAMOUSSOUKRO, Ivory Coast – Ra'iisul wasaarihii Ivory Coast, Amadou Gon Coulibaly, ayaa geeriyooday markii uu xanuun kusoo booqdey kadib shirka Golaha Wasiiradda ee qabsoomay Talaadadii, 8-da July, 2020.

Coulibaly oo horaantii bishii lasoo dhaafay ee May sanadkan 2020 u socdaalay Faransiiska sabab la xiriirta in uu iska soo daaweeyo xanuun dhanka wadnaha ah ayaa waddankiisa dib ugu laabtay 2-dii bishaan July.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in Coulibaly uu xanuunka kusoo boodey isagoo shir gudoominaya kulanka Golaha Wasiiradda.

Kadib xaaladaas deg-deg ah, isbitaal gaar ah oo ku yaala magaalada Abidjan ayaa loola cararay. Inkasta oo dhakhaatiirta ay sameeyeen wax walba oo karankooda ah, 61-sano jirkaan ayaa dhintay isagoo halgamaya.

Coulibaly, oo loo arkayey murashaxa xisbigiisa ee doorashadda madaxtooyadda ee dhaceysa October 1-deeda ayaa bishii Maaj loo karantiilay Coronavirus dartiisa kadib markii fayruska laga helay qof isaga ka akdhow.

Tijaabadda la xiriirta Covid-19 ayaa laga qaadey tirro laba jeer ah, sidda ay sheegeen saraakiisha, labaduba waa laga waayey.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in dalka uu galayo baroor-diiq, waxayna tacsi u dirtay ehelkiisa, iyadoo xustay in Aas Qaran loo sameynayo.

Xilli uu February 10, 1959 ku dhashay isla magaaladda uu ku dhintay Abidjan, Coulibaly ayaa xilka ra'iisul wasaaraha hayey tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana shahaadada PHD-ga uu ka haystay cilmiga dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM