Askar lagu laayey qarax xoogan oo ka dhacay gudaha Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyootay, saddex kelana way ku dhaawacmeen kadib markii qarax Miino oo lagula eegtay gobolka Wajeer.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamadda oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa degaanadda Kutolow iyo Qorof Caraar ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey in askarta dhaawaca ah loo duuliyey Nairobi, magaala madaxda waddanka Kenya.

Askarta lagu beegsaday weerarkan ayaa ka tirsanaa milatariga gaar ahaan guutada loo yaqaano argagixiso la dirirka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay ururka Al-Shabaab.

5-tii bishaan December, 2019, ayay ahayd markii isla goobtan lagu dilay shan askari, isla markaana lagu dhaawacay tirro kale kadib qarax Miino.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili mas'uuliyiinta Wajeer ay todobaadkii hore la kulmeen dhigooda Soomaaliya ee gobolka Gedo si looga hortago weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM