Askar lagu tababarayo mar-xalad Covid19 jiro oo la keenayo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska ciidamada difaaca Kenya ayaa diyaarinaya ciidamo dheeraad ah kuwaasoo ay ku biirinayaan cutubyadooda qaybta ka ah Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Sidda uu wariyey bogga Pulselive, askartan ayaa noqonaya dufcadii koowaad ee lagu tababaro mar-xalad ay jirto aafada caalmiga ah ee Covid.

Askartan oo tiradoodu tahay 600 waxaa lala tababaraya ciidamo British ah, sidda ku xusan warbixinta. Saldhig ku yaala ismaamulka Samburu.

Xafiiska Ingiriiska ee Kenya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in daabulitaanka ciidanka ay xoojineyso nabada iyo xasiloonida.

"UK waxay xiriir qoto dheer oo muhiim ah ay la leedahay Kenya, waxaana aan taageereynaa shaqada ay ku horumarinayaan nabada iyo xasiloonida," ayaa lagu yiri qoraalkan lala wadaagay war-fidiyeenka maxaliga ah.

Inkasta oo dhimis ay ku socoto sabab ku aadan dhaqan-gelinta Qorshaha Kala-guurka ee dhigaya in Soomaalida la wareegaan amnigooda, tirada ciidamada Kenya ee ka diiwaan-gishan AMISOM waxay dhan tahay 3,664.

"Waxaan kaloo la shaqeyneynaa Midowga Afrika si ay isku dhisto iyada iyo dowladaha xubnaha ka ah, una hesho awood ay kaga hortagto, ku maareyso kagana jawaabto colaadaha Qaarada, una xoojiso awooda dowladaha ku taakuleeyay ciidamada sida Kenya oo door ku leh AU-da ama howlgalada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay sidda AMISOM," sidaas waxaa ku yiri qoraalka Julius Court, oo ah ku xigeenka ergayga Britain u fadhia Nairobi.

Sikastay ahaato, wallow caafimaadkooda la hubin doono kahor socdaalka, maadaama wali Kenya ay ku jirto xaalad u muuqata qas ah oo ah Covid-19, ciidamada cusub waxay waxyeelayn karaa kuwa ay kusoo biirayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM

Erdogan oo u sheegay Itoobiya inaysan wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland

Sanadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu ballaariyay saameyntiisa siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 09:25AM