Askari ka tirsanaa AMISOM oo loo xiray in uu xisbi mucaarad ku biiray

Image

KAMPALA, Uganda – Hogaamiyaha xisbga Awooda Shacabka [People Power] ee Uganda, Bobi Wine, ayaa shaaciyey in askari kasoo laabtay Soomaaliya una dhashay dalkaas loo xiray in uu kamid noqdey xisbigooda.

Tuhame Bigombe ayaa asbuucaan lagu waramay in xabsi loo taxaabay markii lagu qabtay kaarka aqoonsiga ee xisbigaan mucaaradka ah.

Mr Wine oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in inta badan ciidamadda difaaca Uganda iyo booliska ay taageersan yihiin ololahooda ay ku doonayaan in ay meesha uga saaraan hogaanka haatan taladda haya.

"Mar walba waxaan walaalaheena ku boorineynaa in ay na taageeraan, balse waa in aysan isa soo shaac-bixin," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

War-saxaafadeed uu soo saarey ayuu ku sheegay in kiiska Bigombe uu sabab u noqon karo kacdoon balaaran oo ciidamadda ka qarxa.

"Talaabada ay qaadey dowladda waa mid aan la aqbali karin. Waxaan codsaneynaa in xorriyadiisa loosoo celiyo askariga. Waxaan mar walba u ololeyneynaa dimuqraadiyadda," ayuu caddeeyay.

Tuhame Bigombe ayaa kamid ahaa askarta Uganda ee kasoo muuqatay howlgalka Midowga Afrika ee loo garan og-yahay AMISOM, wuxuuna dhowaan soo dhameystay waajibaadkiisa qaran ee ilaalinta Soomaaliya.

"Ciidamadda booliska iyo milatariga waa in aanan xabsi loo taxaabin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Bobi Wine oo noqdey mucaarad farta ka xiran kaasoo si adag u dhaleeceeya dowladda Yoweri Museveni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM