Askari kasoo howlgalay Soomaaliya oo loo dilay xirmo maandooriye ah

Image

BUDUDA, Uganda – Dad careysan oo kasoo laabtay dug ayaa degmada Bududa ee dalka Yugandha ku dilay askari markii ay isku qabteen xirmo maandooriye ah, sidda uu ku waramayo wargeyska Daily Monitor.

Marxuumka oo lagu magacaabo Private Fred Kimanai oo 32-jir ahaa kana tirsanaa guutada 3aad ee ciidanka dalkaasi ayaa "dilkiisa uu salka ku hayo Aano maadaama qof kale halkaasi dhowaan lagu khaarijiyey".

Joornaalka ayaa sheegaya in Kimanai oo aagaasi deganaa uu dhowaan kasoo laabtay howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM kaasi oo dalalka Shanta ah e ciidanka ku leh ay Uganda kamid tahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka Kimanai loo adeegsaday Toorey isla markaana ruuxa khaarijiyey oo dadka degaanka kamid uu kaga dhuftay caloosha taasoo dhalisay dhaawacyo daran.

Jaraa'idka ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu qoray in Makuma uu geeriyooday isaga oo loosii wado Isbitaalka xili ragga falka sameeyay lasoo wariyey in ay goobta ka baxsadeen durbadiiba.

- Fal-ceinta laamaha amaanka -

Robert Tukei, afhayeenka bileyska gobolka, oo xaqiijiyey dhimashada askariga ayaa shaaciyey in qof kale oo rayid ah uu ku dhintay dhacdadani oo uu xusay in ay baaritaano dhab ah ay ku sameyn doonan.

Mr Tukei ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in warar horudhac ah ay sheegayaan in sababta dilka soo dadejisay ay salka ku haysa muran ku saabsan khamriga waragi oo ah nooc buddo ah.

Waragi, oo dalka Uganda laga farsameeyo, ayaa waxaa laga sameeyaa Mooska [Muuska] si lamid ah Bataatiga.

"Waxaanu waynay saaxiib dhab ah. Balse gacan ku dhiigleyaasha waxaa lasoo xiri doonaa," ayuu hadalkiisu daba dhigay afhayeenka, kaasoo aanan soo bandhigin talaabada illaa iyo hadda la qaadey.

Kabtan Abert Arinaitwe, afhayeenka guutada saddexaad oo uu marxuumka ka tirsanaa, ayaa shaaciyey in baaritaanka la bilaabay, isla markaana warbixinta lala wadaagi doono saxaafadda.

Askarta ka howlgasha Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ku lug-yeesha muranada ceenkan ah iyadda oo ay intaasi wehliso in ay naf-gooyaan dad shacab ah xaalado kala duwan oo soo food-saarta wadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM