Askari la waayey kadib weerarkii AlShabaab ee Wajeer oo la helay

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ayaa Arbacadii xaqiijiyey in nolol lagu helay askari ka tirsan Booliska Kenya kaasi oo la waayey kadib gaari uu ku socdaalayey ay Sabtidii haleeshay Miino.

Stephen Ngetich, taliyaha Booliska Wajeer ayaa shaaciyey in askariga ay dadka degaanka kasoo heleen tuuladda Konton.

Mr Ngetich ayaa intaasi ku daray in sarkaalka Booliska la geeyay isbitaalka magaaladda si tijaabo caafimaad looga qaado.

In ka badan 12 askari ayaa lagu dilay weerarkii Sabtida oo laga soo wariyey inta u dhaxeysa tuulooyinka Kharof Harar iyo Konton.

Laba kale, kuwaasi oo dhowaan uu soo gaarey, ayaa loo qaadey dhanka Naitobi si baxbaano caafimaad loogu sameeyo.

"Askarta kale waanu aasney, qaarka Muslimka ahaa sida ay Diintoodu qabto baa lagu duugay," ayuu u sheegay Daily Nation.

Duulaan

Taliyaha oo sii hadlaya ayaa qashinka ku daray wararka sheegaya in askarta dhowaan halkaasi la geeyay aysan kala aqoonin degaanka.

Khamiistii, Al-Shabaab ayaa ku duushay degaanka Konton waxayna qafaalatay saddex kamid ah askarta keydka ee Kenya.

Sikastaba ha ahaatee, illo wareedyo dhanka sirdoonka ayaa tilmaamaya in kooxda fadhigeedu yahay Soomaaliya ay askartaasi kaga kaxeysatay degaanka mootooynka laba lugood leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM