'Askarta Kenya waxay seexdan iyagoo qoriga ugu jiro barkinta'

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska afka dheer ee The Star kaasi oo kasoo baxa magaaladda Nairobi ayaa warbixin wuxuu ka qoray xaaladda ciidamadda Kenya ee ku sugan Soomaaliya qaybtana ka ah AMISOM.

Jaraa'idka oo aad u ammaanay xoogaga waddankaasi kuna sifeeyay "kuwa ugu anshaxa fiican" ayaa nan soo qaadin dhibaatooyinka ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladan ay joogan.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa Soomaaliya u soo galay sanadkii 2011-kii si ay waddankooda uga difaacan weeraradda Al-Shabaab oo kordhay, kuwaasi oo u muuqda in ay laba jibaarmeen.

Inkasta oo horumar kooban ay sameeyeen mudadii ay joogeen, balse waxaa aad loogu dhaliilaa in aysan xorreyn degaano badan, ayna ku lug-yeeshaan falal musuq-maasuq ah sida dhoofinta dhuxusha.

Askartan dalkan oo ku sugan degaanadda Jubooyinka ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo ku aadan "kufsi, dilal bareer ah iyo beegsashada ganacsatada Soomaalida gaar ahaan shirkadaha Isgaarsiinta".

Howlgaladda ay KDF-ta ka fuliyaan Soomaaliya oo isugu jira kuwa toos ah iyo duqeymo dhanka cirka ah ayaa ku bartilmaameedsada Al-Shabaab, wallow mararka qaar ay rayid waxyeelo u geystaan.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa marka laga soo tago weerarada ay gudaha Kenya ka fuliyaan, waxaa u wehlisa in ay beegsadan xerooyinka KDF-ta ee gudaha Soomaaliya, halkaasi oo khasaaro kasoo gaaro.

Mid kamid ah gulufyadii ugu cuslaa ayaa waxa uu ahaa midkii Ceel Cadde, kaasi oo boqolaal kamid ah ciidamada Kenya lagu khaarijiyey, isla markaana ay ku dhaawacmeen tirro kale, oo aanan wali la cayimin.

Qormadda majaladda ayaa lagu xusay in askarta ay mar walba heegan ku jiraan, ayna habeenkii seexdan (jiiftan) iyagga oo qoriga uu ugu jirto barkinta, cabsi ay ka qabaan duulaan Al-Shabaab owgeed.

Sanadkii 2012-kii ayay qayb ka ahaayeen howlgalkii Al-Shabaab looga saarey magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka ah oo uu haatan ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee doorashada gelaya.

Doorashadda oo loo balansan yahay bishan waxaa ku loolamaya murashaxiin dhowr ah, iyadda oo xukuumadda Nairobi ay ku dhawaaqday in ay taageereyso Axmed Madoobe oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii.

Siyaasiyiinta baratanka qaybta ka ah oo kasoo horjeeda madaxweynaha uu waqtigu ka dhamaaday ayaa si cad u qaadacay coddeynta, iyaga oo soo bandhigay tobban shuruudo ay uga qeybgalayaan.

Axmed Madoobe iyo Kenya ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, waxaana xukuumadda Muqdisho oo uusan cilaaqaad fiican kala dhaxeyn Nairobi ay xusul-duub ugu jirtaa sidii ay u kala dhan-taali lahayd buundadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM

Museveni: Uganda waa dal aan badda lahayn, laakiin baddaydu waa xaggee?  

Khubarada siyaasadda ayaa digay in hadalada Museveni xitaa haddii ay tusaale yihiin ay dhaawici karaan xiriirka muddo dheer.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 12:22PM