Baadari nin Shabaab ah u gacan-geliyay booliska markii uu qirtay dambi

Image

NAIROBI, Kenya – Nin galay kaniisad ku taala Mombasa isla markaana qirtay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab ayaa xabsi loo taxaabay.

Shalay, maxkamad ayaa amartay in shaqsigan jeelka lagu sii hayo tobban maalmood si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

La tuhunsanaha oo Kaniisada aaday Jimcadii halkaasoo uu ku qirtay kamid-ahaanshiyaha kooxda ayaa baadigoobayey "duco".

Kadib qirashadiisa, baadariga ayaa u yeeray ciidamadda booliska si ay u xiraan kahor inta uusan shalay kasoo muuqan maxkamadda.

"Latuhunsanaha ayaa duco u galay Kaniisadda. Baadariga waa ninka u yeeray bileyska si loo xiro," ayuu yiri dacwad-oogaha, Eric Masila.

Masila ayaa xusay in ninka laga shakisan yahay, oo dhowaan kasoo laabtey Soomaaliya, uu hayo xogo hay'addaha amniga kaga hortagi karaan "weeraro argagixiso".

"Waxaan rajeynaynaa in baaritaanka uu sahli doono in sidoo kale lasoo xiro xubno badan oo kasoo laabtey Al-Shabaab," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Inta ay ku guda jiraan baaritaanka, waxay dabageli doonan telefoonkiisa, sooyaalkiisa iyo hadii uu dambiyo horey u geystay.

Eedeysanaha oo aan lasoo bandhigin magaciisa ayaa la sheegay in uu si degan u fadhiyey intii uu socday fadhiga koowaad ee maxkamadeyntiisa.

Ugu dambeyntii, maxkamadda ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan u muddeysay in ay dib u bilaabi doonto 23-ka bishan Janaayo ee sanadka 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM