Baarlamaanka Ethiopia oo xasaanada ka qaadey 38 sarkaal Tigray ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta si wadda oggol ah wuxuu xasaanada uga qaadey 38 sarkaal uu kasoo jeeda gobolka Tigrayga.

Shaqsiyaadkaas ayaa kala ah; Dr Debretsion Gebremichael, madaxweynaha Tigray-ga, Asmelash Weldesenbet, Abay Tsehaye, Dr Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo xubno kale

Dhamaantooda waxaa la sheegay in ay kamid yihiin saraakiisha go’aanada ugu waaweyn ka gaara ismaamulkan ku yaala waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Sidda uu wariyey telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya, xubnahaan ayaa loo haystaa in ay qaab hubeysan uga hor-yimaaden dowladda, in ay abaabuleen weeraro ka dhan ah ciidanka iyo dambiyo kale aan la shaaicn.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dacwad lagu soo oogi doono shaqsiyaadkaas isla markaana la jari doono waaran [balwo] xabsi loogu taxaabayo.

Gobolka Tigray waxaa muddo laba todobaad ah ka soconaya dagaal uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed kaasoo ay ku naf-waayeen boqolaal ruux isla markaana lagu waramay in ay tirro kalana ku barakaceen.

Abiy ayaa shaaca ka dhigay in howlgalkaas uu yahay mid sharciga looga dhaqan-gelinayo gobolkaas uu sheegay in ay wiiqayaan qorshihiisa dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM