Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyey qaaraar ka dhan ah Tigreeyga

Image

ABABA, Ethiopia – Baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu meelmariyey qaraar dowlad ku meelgaar ah looga yagleelayo ismaamul goboleedka waqoyga wadankaas ku yaala ee Tigreeyga.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ee FANA ayaa waxay warisay in dowladdaas ku meelgaarka ah ay si dhow ula shaqeyn doonto xukuumadda dhexe isla markaana waajibaadkeedu yahay xil sii gaarsiinta.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo xiisada u dhaxeysa maamulka Abiy Axmed iyo xisbiga ka arimiya Tigreeyga TPLF ay isku rogtay gacan ka hadal isla markaana dagaal uu ka socdo degaanada hoostaga.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy ayaa lagu xaqiijiyey in diyaaradaha dagaalka ay Jimcadii duqeeyeen bartilmaameedyo fariisimo ciidan ku yaala gudaha iyo hareeraha caasimadda Tigreeyga ee Mekelle.

Sidda ku xusan bayaanka oo ay baahisay FANA, waxaa weerarkaas dhanka cirka lagu burburiyey agab iyo keyd milatari oo ay lahaayeen ciidanka Tigreeyga, balse lama soo warin waxyeelo nafeed oo soo gaarey dad shacab ah.

Abiy oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay dagaalkaas uu ku qeexay "mid laga leeyahay ujeedooyin la gaari karo" balse ma uusan bixin tafaasiil intaas ka badan.

Xukuumadda Abiy Axmed iyo ismaamulka Tigreeyga ayaa isku maandhaafay arrimo ay kamid yihiin qabashada doorashooyinka, wallow kalkii hore ay qowmiyaddaas ku andacootay in lagu sameeyay faquuq.

TPLF ayaa ku gacan-sareysay nidaamka dowladnimada Itoobiya in ka badan 30-sano kahor inta uusan xafiiska la wareegin Abiy April, 2018.

Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah dowladaha daneeya arrimaha Itoobiya ayaa ku baaqay in xabada la joojiyo, khilaafkana lagu dhameeyo miiska wadahadalka si looga fogaado barakac iyo daadashada dhiig.

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa la rumeysan yahay in colaad kasta oo ka qaraxda ay saameyn ku yeelan karto xasiloonida Geeska Afrika, gobol uu Abiy u goobayay nabad, balse haatan khatar wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM