Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Image

Bamako – Baarlamaanka ku-meel-gaarka ah ee dalka Mali ayaa Khamiistii si aqlabiyad ah u ansixiyay sharci u ogolaanaya Taliyaha Afgambiga sameeyay, Gen. Assimi Goita, inuu sii hayo xilka madaxweynenimada dalka iyadoo aan wax doorasho ah la qaban.

Qoraalka sharciga ayaa dhigaya in muddo xileedka Goita "dib loo cusboonaysiin karo intii loo baahdo", iyada oo aan loo marin cod-bixin dadweyne. Dhammaan 131 xildhibaan ee fadhiga joogay ayaa si mideysan u taageeray sharcigaas.

Goita, oo 41 sano jir ah, ayaa dalka xukumayay tan iyo bishii Agoosto 2020 kadib afgambi uu ku riday madaxweynihii markaa xilka hayay, Ibrahim Boubacar Keïta, isagoo ku eedeeyay fashilka la dagaallanka fallaagada Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya waqooyiga dalka.

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

Maamulka militariga ee Mali ayaa si joogto ah uga dhega adeygay cadaadiska ka imanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka ee ku aaddan qabashada doorashooyin iyo dib ugu noqoshada nidaamka rayidka ah.

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM