Baarlamaanka Mandera oo qaylo dhaan soo saarey xili ay xiisad jirto

Image

MANDERA, Kenya – Baarlamaanka ismaamul goboleedka Mandera ayaa cod dheer wuxuu dowladda dhexe ee Kenya ugu tartarsiiyey in ay ka badbaadiso dadweynaha colaada ka aloolsan Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili ay todobaadkan ku dagaalameen xuduudka labada dal ciidamo kala taabacsan Muqdisho iyo Jubaland, taasoo burbur iyo dhaawacyo garsiisay dad shacab ah.

Jimale Abdiin, hogaamiyaha xubnaha laga tirada badan yahay ee golaha, ayaa xusay in joogitaanka Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ay dadka cabsi gelineyso.

Janan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Mandera, halkaasoo uu ka kireystay guri gaar ah.

Sharci-dejiye Abdiin ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ay saameeyeen nolosha dadka gaar ahaan goobaha waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo gaadiidka.

"Qiyaastii ku dhowaad 20-kun oo shacabka Mandera ah ayaa ku barakacay gudaha degmada iyagoo noqdey qaxooti ah," ayuu raaciyey gudoomiyaha oo war-saxaafadeed soo saarey.

Xildhibaanada ayaa codsaday in ciidamada maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo wasiir Janan gebi ahaanba laga saaro magaalada Mandera.

Dhanka kale, laamaha ammaanka Mandera oo ka falceliyey hadalkaas ayaa sheegay in aysan dayaci doonin nabad-gelyada.

Onesmus Kyatha, taliyaha booliska gobolka, ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Dhexe ay damaanad qaadeyso badqabka dadka.

Ugu dambeyntii, dadweynaha ayuu ku waaniyey in ay joojiyaan walaaca isla markaana ay u diyaarsan yihiin ka hortagida weeraro kasta oo Al-Shabaab isku deydo in ay uga faa'iideysato xaalada taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM