Banaanbax lagu taageereeyay Abiy Axmed oo la qarxiyey; khasaaro jira

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 29 qof ayaa la wariyey in lagu dilay, tirro kelana ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed lagu weeraray banaanbax lagu taageereeyay ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Laanta Af-Amxaariga ee BBC-da ayaa ku warantay in dhacdadaan laga soo tabiyey magaaladda Ambo ee gobolka Oromada.

Taliska Booliska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka, isla markaana xaaladoodu fiican tahay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dad loo xiray falkaas, oo noqonaya kii ugu dambeeyay ee liddi ku ah nabad-gelyada guud.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa iyaddoo Itoobiya isu diyaarineyso doorashooyin xasaasi ah, kuwaasoo tijaabo adag u ah Abiy Axmed.

Asbuucyaddii lasoo dhaafay gobolada kala duwan ee Itoobiya waxaa ka dhacay isu soo baxyo taageero loogu muujinayo wasiirka koowaad ee Addis Ababa.

Jimcadii ayay ahayd markii la dilay taliyihii booliska Bururu, isla markaana la dhaawacay saddex kale iyagoo kawada casheynaya duleedka Addis Ababa. Shaqsiyaad la tuhunsan yahay ayaana xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM