Bangiga Aduunka oo eedeeyay hogaamiyeyaasha siyaasadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Bangiga Aduunka oo dhowaan daabacay daraasad uu ku sameeyay deeqaha dibada ee dalalka qaaradda Afrika ayaa sheegay in Kenya ay kiisaska musuqa ku lug-leeyihiin siyaasiyiinta xilka haya.

Cilmi-baarista ayaa lagu qiray in horumarka uu wadankaas ka gaarey yareynta saboolnimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta da'yarta ay wiiqeyso "wax-is-dabamarinta furan".

Wallow aan la carabaabin magacyo, warbixintu ayaa farta ku fiiqdey siyaasiyiinta "xulka ah" ee jagooyinka haya iyo asxaabtooda.

Baaritaanka ayaa lagu ogaadey in deeqda aysan gaarin goobihii loogu talagalay, taas bedelkeeda ay madaxdu "jeebka ku ritaan".

Saddex dhinac oo kaalin ku leh musuqmaasuqaas ayaa lagu sheegay; deeq-bixiyeyaasha, dalalka lasoo mariyo iyo dowladda gaar ahaan xubno gagaal-gal ku leh xukuumadda oo adeegsanaya shaarka qaranka.

Intaas waxaa wehlisa in siyaasiyiinta talada haysa, qaraabadooda iyo saaxiibadooda ay malaayiin Doolar dhigtaan meelo ka baxsan dalka gaar ahaan Bangiyo ku yaala qaar kamid ah dalalka Yurub.

Sidda ku cad faalada, intii u dhaxeysay 1990 iyo 2010, siyaasiyiinta Kenya iyo asxaabtooda ayaa diray saddex bilyan oo Doolar.

Dowladda madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxay dedaal badan ku bixineysaa siddii hoos loogu dhigi lahaa ama loo dabar-jari lahaa musuqmaasuqa oo kamid ah waxyaabaha "jilbaha dhulka u dhigaya dalkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM