Bangiga Dhexe ee Libya oo gabi ahaanba shaqada joojiyay

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii la afduubtay masuul ka tirsanaa Baanka.

NAIROBI, Kenya - Bangiga dhexe ee dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan shaqadiisa, kaddib markii agaasime sare looga afduubtay caasimadda Tripoli.

Baanka ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay af-duubka loo geystay agaasimihii tignoolajiyada macluumaadka ee Musab Msalem.

Dhacdadan ayaa waxa ay ku soo beegantay todobaad ka dib markii bangiga dhexe ay soo food saartay go'doomin ay sameeyeen rag hubaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM