Barakac ka bilowday agagaarka Manda Bay kadib weerarkii Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah dadka degaanka ee ismaamulka Lamu ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guryahooda kadib weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Manda Bay, Axadii, 5-ta Janaayo, 2020.

Sidda ay qortay warbaahinta maxaliga ah, dadka ayaa u barakacay degaanada kale oo ay ka helayaan nabad-gelyo ay isku haleyn karaan.

Xerada Manda Bay oo aad loo ilaaliyo ayaa waxaa wada isticmaala ciidamada Kenya iyo ku dhowaad 200 kale oo Ameerikaan ah.

Goobjoogeyaal la hadlay Garowe Online ayaa ku waramaya in shacabka ay ka cabsi qabaan weeraro kale oo ka yimaada ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Canab Xaaji, oo kamid ah golaha degaanka Lamu, ayaa sheegtay in shacabka degaan doorashadeedu u baqayaan noloshooda.

"Dadku way baqayaan, waana sababta ay u aadayaan magaalooyinka kale, balse ammaanka waa la adkeeyay ciidamadeeduna waxay sameynayaan shaqo wanaagsan," ayay ku dartay.

Tuulooyinka illaa iyo haatan laga qaxay ayaa waxaa kamid ah; Hindi, Mkondoni Sinambio iyo Kausara, sidda ay xaqiijisay Xildhibaanadda.

Kenya ayaa si joogto ah waxay weeraro kala kulmeysaa Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay kamid noqdeen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee AMISOM, sanadkii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM