Booliska oo saddex qof u qabtay haweenay lagu haysto Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka Kenya ayaa shaaciyey in ay saddex ruux u xireen afduubka haweenay u dhalatay waddanka Talyaaniga.

Magacyadda shaqsiyaadka loo qabtay falkan ayaa kala ah; Ibrahim Adan Omar, Abdulla Gababa Wario iyo Moses Luwali Chembe.

Baareyaasha oo su'aallo waydiinaya raggan ayaa tuhunsan in ay door ku lahaayeen talaabadda lagu qafaashay Silvia Romano.

Maxkamadeyntooda oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa dhageysigooda waxaa loo muddeeyay 14, 15 illaa iyo 20 November ee sanadkan.

Silvia Romano oo ka shaqeysa arrimaha bini'aadanimadda ayaa bishii November ee sanadkan 2019 ayaa laga qafaashay ismaamulkaas.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay askar ilaalo u ahayd ayaa la sheegay in ay lasoo aadeen Soomaaliya, halkaas oo lagu haysto.

Inkasta oo ay sanad ku jirto gacan aan ammaan ahayn, qoyskeeda iyo asxaabteeda ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay xorriyadeeda dib u heli doonto.

Magaaladda Milan oo ay ku dhalatay ayaa waxaa la filayaa in uu ka dhaco banaanbax ay asxaabteeda ku dalbanayaan sii deysmadeeda.

Iyadda oo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo ku saabsan in madax furasho dalbatay Al-Shabaab, Kenya ayaa meesha ka saartay.

Saxaafadda ayaa sidoo kale ku warameysa in Romano lagu haysto degaano ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay sidoo kale bartamihii sanadkan afduubteen dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba.

Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu amray in ay baadigoobka xubnahaan door ka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM