Booliska oo toogtay dad ka carooday qof loo xiray in uusan waddan af-xir

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa saddex qof ku toogtay magaalada Lessos. Dadkaas waxay ku jireen waddayaal mooto kuwaas oo ka careysan xarig lagula kacay ruux kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen.

Shaqsiga ay ciidamadu xireen ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada ka shaqeynayey isagoo aan waddan af-xirka looga hortaggo safmarka Coronavirus kaasoo afka qalaad loogu yeero face-masks.

Taliska Booliska oo qiray in toogashadu dhacday ayaa shaaciyey in lasoo xirayo saraakiishii ku lug-yeeshay falkaas. "Toogashada oo ka dhex-dhacday meesha dadka isugu yimaadeen ayaa timid markii ay isku dhaceen booliska iyo dadka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay bileyska.

Warbaahinta BBC-da ayaa qof kamid ah dadka degaanka kasoo xigatay in booliska ay qabtaan dadka aan wadda gafuur xirka isla markaana ay waydiiyaan laaluush, qofkii ka diidana ay u dhaadiciyaan jeelka.

Wargeyska Daily Nation ayaa daabacay in qaar kamid ah dadka degaanka ay hareeyeen guriga sarkaal iyo saldhiga booliska kadib xariga ruuxa xiran, iyagoo codsanaya in xorriyadiisa loosoo celiyo.

"Dadka degaanka Lessos waxay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan in booliska uu laaluush ku bedesho dhaqan-gelinta talaabooyinka looga gaashaamanayo Covid-19," ayuu Kenneth Kaunda u sheegay AP.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay cambaareynayey dilalka ay Booliska Kenya kula kacaan dadka shacab ah, iyadoo qiil ka dhiganaya fulinta xayiraadaha xanuunkaas.

Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, 15 ruux oo uu ku jiro wiil 13-sano jir ah ayay ciidamadda booliska khaarijiyeen iyagoo dhaqan-gelinaya xayiraadaha loosoo rogay xakameynta safmareenka dilaaga ah ee Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM