Burcad-badeeda Soomaalida oo "u wareegtay" xeebaha Nigeria

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Nigeria oo aan soo bandhigin qorshaha uga degan ayaa ku dhawaaqdey in burcad-badeeda Soomaalida ay ka howlgalaan baddeeda iyo gacanka Guinea.

Dr Bashir Jamoh, agaasimaha Hay'adda Maamulka iyo Badbaada Badda, ayaa shaaca ka dhigay warkaan ka gedaal markii uu la kulmay diblumaasiyiin.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah, Kang Haenggu, qunsulka Kuuriya, iyo danjiraha magacaaban ee Belgium, Daniel Bertrand ayaa booqdey Jamoh.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: "Amniga badda, ganacsiga Kore, Blgium iyo balanqaadyo kale oo lagu taaeerayo hay'adda NIMASA".

Agaasimaha ayaa laga soo xigtey: "Waxaan daaha ka rognay shabakado dambiyo ka geysanaya baddeeda iyo dhaqdhaqaaqyada shufta-badeeda Soomaali ah".

"Taas macnaheedu waxay tahay in ay xeebaha Nigeria uga soo safreen Soomaaliya iyagoo adeegsanaya badda deriskeeda Galbeedka Afrika," ayuu yiri.

Isagoo tafaasiil dheeraad ah bixinaya ayuu ku daray: "Kiisaska qaarkood, waxay kasoo galaan xuduudaha badda iyagoo doonyo ay howlgalo ku fuliyaan".

SIkastaba ha ahaatee, Jamoh ayaa ka dhawaajiyey in Nigeria ay diyaarisay qorshe ay ku dabagaleyso kuna ilaalineyso ammaanka biyaha ay qaran ahaan leedahay.

"Hadafkeenu waa in aan xaqiijino sidii aan baddeena uga joojin lahayn weerarada fal-dambiyeedyadda ah," ayuu Dr Bashir Jamoh kusoo afjaray hadalkiisa.

Hadii si dhab ah loo xaqiijiyo dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Abuja, tani ayaa ka dhigan in shufta badeeda Soomaalida ay u jiheysteen in ay caalamiyeeyaan siina balaariyaan howlgaladoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM