Burkina Faso: 132 qof oo lagu dilay tuulo lagu duulay

Image

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Dabley ayaa ku dilay in ka badan 132 qof weerar ka dhacay tuulo ku taal waqooyiga Burkina Faso, oo ah weerarkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca sanadihii ugu dambeeyay, sida ay sheegtay dowlada.

Guryo iyo suuqa deegaanka ayaa lagu gubay howlgalan habeenkii xalay lagu qaaday Solhan. Madaxa UN-ka ayaa sheegay inuu aad uga carooday dhacdada.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay rabshadaha, laakiin weerarada Islaamiyiinta ayaa ku soo badanaya dalka, gaar ahaan gobollada ku teedsan xuduudaha.

"António Guterres wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka foosha xun wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in bulshada caalamku ay laba jibaarto taageerada dowladaha xubnaha ka ah la dagaalanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo dhibaatada aan la aqbali karin ee aadanaha," ayuu yiri afhayeenkiisa.

Madaxweynaha waddankaas, Roch Kabore, ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq qaran ah isagoo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka "waa inaan u istaagnaa sidii aan uga hortagi lahayn xoogaga sharta".

"Ciidamada amaanka ayaa hada baadi goobaya kooxihii falkaasi ka dambeeyay," ayuu raaciyay. Bishii la soo dhaafay, 30 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay bariga Burkina Faso.

Weerar kale oo dhacay habeenimadii Jimcaha, 14 qof ayaa lagu soo warramay in lagu dilay tuulada Tadaryat, oo qiyaastii 150km (93 mayl) ka xigta waqooyiga Solhan.

Waddankan ku yaala Galbeedka Afrka wuxuu wajahayaa dhibaato amni oo sii kordheysa, sidda in badan oo kamid ah dalalka deriska la ah, iyaddoo kooxaha hubeysan ay fuliyaan duullaano iyo afduubyo ka dhaca inta badan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM