Burkina Faso oo $18 Bilyan Ka Heshay Macdanta Dahabka Tan iyo Markii Ibrahim Traoré Xilka La Wareegay

Image

Ouagadougou – Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay inay soo xareysay $18 bilyan oo doolar oo ah dakhli kasoo xarooday macdanta dahabka tan iyo markii Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Captain Ibrahim Traoré, uu la wareegay talada dalka sanadkii 2022.

Ibrahim Traoré oo xilka la wareegay kadib afgambi militari ayaa sheegay in kheyraadka dalka, gaar ahaan dahabka, ay hadda u adeegayaan shacabka Burkina Faso, halkii ay horey uga faa’iideysan jireen shirkado ajaanib ah iyo kooxo gaar ah.

Wasiirka macdanta ee dalkaas ayaa sheegay in daqligan uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka.

Burkina Faso, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dahabka laga qodo Afrika, ayaa wajahaysa caqabado amni iyo dhaqaale, balse maamulka hadda jira ayaa sheegaya in ay doonayaan in shacabka dalkaasi ay si toos ah uga faa’iidaystaan khayraadkooda dabiiciga ah.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa su’aalo ka keenay daahfurnaanta iyo sida dhab ah ee dakhligaas loo maareeyo, iyagoo ku baaqaya in la sameeyo isla xisaabtan iyo warbixin rasmi ah oo ay helaan shacabka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM