Caabuqa ka dilaacay Shiinaha oo soo gaarey Geeska qaarada Afrika

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Qaar kamid ah dowladaha Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika ayaa xaqiijiyey in ay baareen kiisas la xiriira cudurka dilaaga ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in ay karan-tiileen saddex qof oo lagu tuhmay in uu ku dhacay vayruskaas.

Saddexda ruux oo laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ayaa ka yimid mid kamid ah magaalooyinka lagu helay caabuqa.

Dhanka kale, Kenya ayaa hubin ku wada qof looga shakiyey cudurkan oo laga qabtay garoonka diyaaradaha caasimadda Nairobi.

Ruuxaan oo la qariyey magaciisa ayaa la sheegay in uu yahay arday ka yimid Shiinaha, wallow aan la xaqiijin in uu hayo xanuunkaas.

La tuhunsanaha ayaa la dhigay Kenyatta National Hospital, waxaana xaaladiisa caafimaad si gaar ah ula tacaalaya dhakhaatiir.

Afrika, dalal uu kamid yahay Ivory Coast ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen kiisas la xiriira dad uu ku dhacay cudurkan dilaaga ah.

Hase ahaatee, wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa noqonaya dalalkii ugu horeeyay ee Geeska Afrika ee xanuunkaan laga soo wariyo.

In ka badan 80 ruux ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in uu dilay xanuunkaan. Badi dadkan waxay ku nool yihiin China. Intaas waxaa wehlisa in uu ku dhacay tirro kor-u-dhaafeysa laba kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM