Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika
WASHINGTON – Canshuuraha cusub ee Madaxweyne Donald Trump ayaa dhaqan galay Khamiistii, waxaana si weyn looga dareemayaa dalal badan oo ay ku jirto Koonfur Afrika, iyadoo saameyntooda dhaqaale ay si muuqata uga bilaabatay gudaha Mareykanka laftiisa.
Trump ayaa bilaabay in uu kor u qaado canshuuraha la saaro badeecooyinka laga keeno dalal badan, tallaabadan oo uu horay u hanjabay dhowr bilood ayaa hadda si dhab ah u bilaabatay, iyadoo ay kor u kaceen qiimaha dhoofinta ee dalalkaas ku wajahan suuqyada Mareykanka.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu Khamiistii taleefan kula hadlay Madaxweyne Trump, iyada oo qaar ka mid ah waddamada Afrika ay weli rajeynayaan in lagu heshiin karo heerka canshuuraha cusub, kuwaas oo khatar gelinaya shaqooyin badan oo horeyba uga yaraaday qaaradda Afrika.
Xafiiska Ramaphosa ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isku raaceen in ay sii wadaan wada-hadallo dheeraad ah, xilli Mareykanka uu bilaabay in uu si toos ah u dhaqan geliyo canshuur dhan 30% oo lagu soo rogay badeecooyinka qaarkood ee Koonfur Afrika laga dhoofiyo.
Mareykanka ayaa sidoo kale joojiyay deeqihii uu siin jiray Koonfur Afrika, isagoo ku eedeeyay siyaasado uu ku tilmaamay "caddaan-nacayb" iyo "Mareykan-nacayb", taas oo sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa labada dal.
Dalka deriska la ah Koonfur Afrika ee Botswana, iyo sidoo kale dalka yar ee buuraha badan ee Lesotho, ayaa labaduba sheegay in ay weli rajeynayaan in la beddelo heerka canshuuraha laga saaray badeecooyinkooda.
Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Lesotho waxay sheegtay in heerkaasi wali uu yahay mid sare oo khatar ku ah kumannaan shaqo oo ku tiirsan warshadaha dharka, kuwaas oo dhoofiya dhar caan ah sida kuwa shirkadda Levi's oo ay u diraan suuqa Mareykanka.
GAROWE ONLINE